Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Xildhibaan Yuusuf Xasan: “Dastuurka Galmudug ayaa na faraya inaan ku shiri karno halka aan rabno

Xildh-1-360x330

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cali; oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Mustaqbal waxaa uu kaga hadlay xaaladda Galmudug iyo xilka qaadista lagu sameeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanku waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah habka ay u mareen xilka qaadista Guuleed iyo in ay shireen iyada oo uu Baarlamaanka fasax ku jiro,waxaa uu sheegay in fasaxa laga soo laabtay oo uu waqtiga dhamaaday,markii ay xarunta tageenna loo sheegay  in la fasaxay.

Taas ayuu ku tilmaamay in ay qalad tahay,islamarkaana ay ku shireen meel kale oo aan ahayn xarunta Baarlamaanka,taas oo uu sheegay in uu farayo Dastuurka Galmudug oo oggol in Xildhibaannada ku shiri karaan halka ay doonaan xitaa haddii ay tuulo tahay oo ka  mid ah degaannada Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300