Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Xildhibaan Geelle: “lama kulmeyno Xildhibaannada Federaalka ee yimid Cadaado

galmudug-620x330

Xildhibaan Maxamd Xasan Geelle oo ka mid ah Galmudug,aya awaxaa uu sheegay in aysan la kulmeynin Xildhibaannada ka socda Dowladda Federaalka ee Cadaado u tagay in ay xalliyaan Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta magaaladaas.

Xildhibaan Geelle,waxaa uu sheegay  aysan la kulmeyn Xildhibaannada Federaalka,waxaa uu ku eedeeyay Xildhibaannada tagay in ay la safanyihiin dhanka C/Kariin Xuseen Guuleed oo ay sheegeen in qorshaha ay ka leeyihiin uu yahay in uu xafiiska sii joogo.

Waxaa uu beeniyay ij XIldhibaannada Galmudug sababta ay u kiciyeen Siyaasaddu tahay kaddib markii aysan Mushaar qaadan muddo,waxaana uu sheegay in mushaarka ay uga daran tahay danta Galmudug iyag oo taas ka duulayana ay xilka qaadis ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanno ka socda labada aqal ee federaalka kana soo jeeda Galmudug ayaa gaaray magaalada Cadaado si ay u dejiyaan khilaafka Siyaasadeed ee hadda ka jira Magaalada Cadaado.

Waxaa sidoo kale shalay war murtiyeed soo saaray Musharrixiinta xilka Madaxweynenimo ee ka soo ejeda Galmudug,kuwaas oo ku baaqay in XIldhibaannada iyo Madaxweynaha Galmudugba ay qaboojiyaan xiisadda ka taagan cadaado ee maalin ka hor sababtay gacan ka hadalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300