Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Xaaladda dalka Gambia oo cakiran

yamaah

Dalka Gambia waxaa la dhaafay xiligii ay wadamada galbeedka Afrika u qabteen madaxweyne Yahye Jammeh in uu xilka ku wareejiyo.

Balse madaxweyne Jammeh ayaan wali mowqifkiisa waxbo ka badalin, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray wadamada ECOWAS.

Waxaa jira diyaargarow meleteri oo ay samaynayaan waddamada galbeedka Africa, waxaana ciidamo la geeyey xudduuda dalkaasi Gambia la wadaago dalka Senegaal. kummanaan qof oo reer Gambia ah iyo ajaaniib dalka dalxiis u joogay ayaa dalka ka qaxaya.

Sidoo kale waxaa jira dedaalo weli ay wadaan madaxda Afrikaanka ah oo la doonayo in Yaxye Jammeh looga dhaadhiciyo in uu xilka wareejiyo.

Doorashadii dalkaasi ka dhacday ayaa waxaa ku guulaystay Adamu Barrow, balse waxaa ku gacan sayray Madaxweyne Yahye Jammeh, waxaana baarlamaanka dalkaasi uu muddo saddex bilood ah ugu daray madaxweyne Jammeh in uu xilka sii hayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300