Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Bakool

degmada-xudur-696x522

Wararka laga helayo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku soo warramaya in weerar Askar ay ku dhinteen uu ka dhacay halkaas.

Ilo deegaanka ayaa xaqiijiyay in gaar ahaan weerarkaasi uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Maareey oo isku xira degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Al Shabaab ayaa  la sheegay in weerarkaan oo ahaa mid Jid gal ah ay fuliyeen kaas oo  lala bartilmaamsaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana la soo warinayaa in uu jiro khasaaro soo gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu qaaday weerarkaasi.

Xarakada Al Shabaab ayaa barahooda Internetka ku sheegtay in weerarkaas ay dagaalyahanadooda ku qaadeen Gaari Nuuca Runeedka oo siday Qaad kaas oo ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Illa 2 Askari ayey sheegeen Al Shabaab in weerarkooda ay ku gubeen islamarkaana ay ku gubeen Gaariga Qaadka siday.

Ma jirto wax war ah oo Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen weerarkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300