Published On: Thu, Jan 19th, 2017

UNICEF oo ka dayrisay waxbarashada carruurta reer Suuriya ee Turkiga

suuriya r

Hay’ada carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in boqolkiiba afartan carruurta reer Suuriya ee Turkiga qaxootiga ku ah aysan haysan waxbarasho.

Dalka Turkiga ayaa ah dalka qaxootiga ugu badan ee reer Suuriya ay joogaan caalamka oo dhan.

UNICEF waxay sheegaysaa in Turkiga uu ku dadaalay waxbarshada carruurta, balse weli ay jiraan carruur boqolaal kun gaaraya oo khatar ugu jira in ay noqdaan jiil dhumay.

UNICEF sidoo kale waxay sheegaysaa in gudaha dalka Suuriya ay jiraan ilaa labo milyan oo qof oo aan haysan waxbarasho, qaarkoodna ay ku nool yihiin dhulka la go’doomiyay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300