Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Maxkamadda Togdheer oo xukuntay rag lagu soo qabtay Qamri

Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa gacanta ku soo dhigay Qamri tiro badan, kaas oo si sharci daro ah loo soo gelinayay Magaalada Burco.

Eedeysanayaashii ku howlanaa soo gelinta Qamriga ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer ku xukuntay xabsiyo isugu jira 6-sano, 3-sano iyo waliba ganaax lacageed.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Gobolka Togdheer Xuseen Cali Xeere ayaa warbaahinta uga warbixiyay qaabka uu u dhacay xukunkan lagu riday Saddexdan Dhalinyaradan.

Dhinaca kale Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin rag kale oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin falkan.

Waxa uu bulshada Gobolka Togdheer ugu baaqay in ay Booliska kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa Qamri-wadayaasha.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa Qamriga lagu gubay Maxkamadda horteeda, iyadoo Qamrigan uu noqonayo midkii ugu badnaa ee Booliska ay gacanta ku soo dhigaan sanadkan 2017-ka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300