Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in la wiiqay Awoodda Al Shabaab

keneyttra-696x398

Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa waxuu shaaca ka qaaday in in ay yaraadeen Weeraradii badbnaa ee lagu qaadi jiray qeybo ka mid ah Gobolada dhaca Dalka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxuu sheegay in la wiiqay awooda Xoogaga Xarakada al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu Madaxweyne Kenyatta uu cod dheer ku sheegay in 16 Ruux oo kaliya lagu Dilay Dalkaasi Kenya, sanadii la soo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in  500 oo Gaari oo nuuca Dagaalka in la siiyay Ciidamada Booliska, taasi oo ku tilmaamay in ay suuro gelisay ka hortaga weerarada qorsheysan ee ka dhaci jiray Dalkaasi.

Sikastaba, hadalka Madaxweynaha ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan Safaarada Mareykanka ay shaacisay 122 Ruux siyaabo kala duwan loogu Dilay 2016-kii Dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300