Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Maamul Goboledka Puntland oo sheegay in Dagaalyahano ka tirsan AL-Shabaab ay Gacanta ku dhigeen

shabab

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Kornayl, Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne, ayaa sheegay in dowladda Puntland gacanta ku dhigay saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ku lug lahaa dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Saraakisha ay Gacanta ay ku dhigeen Al-Shabaab,islamarkaana ay baaritaan ku hayaan Hay’addaha baarista dambiyada ee dowlad Goboledka Puntland.

Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu ka gaabsaday inuu xog dheeraad ah ka bixiyo saraakiisha iyo xilalka ay u hayeen Al-shabaab, isagoo hadalkiisa kusoo koobay inuusan ka hor-dhacayn baaritaankooda,waxa uuna hadal kiisa uu ku daray Amaanka Degaanada Puntland ay adkeen donaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300