Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Ingiriiska oo Somaliland ka diiday in ay goobjooge ka noqoto Waddamada barwaaqo sooranka

England-238x178

Dowladda Ingiriiska ayaa Jawaab ka bixisay dalab hore  oo Maamulka Somaliland ku weydiistay Ingiriiska in ay Somaliland xubin korjoogto ah ka noqoto waddamada la isku yiraahdo barwaaqo sooranka.

Andrew Resindell oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dalabka Somaliland halka uu ku dambeeyay weydiiyay Xoghayaha guud ee Waddamada Barwaaqo sooranka Mr Tobias Ellwood,waxaana uu ugu war celiyay “ma jiro boos la yiraahdo korjoogto oo ka jira Barwaaqo sooranka,sidaas darteed dalabkaas jawaab maleh”.

Waxaa uu si raaciyay hadalkiisa “Waxaa xubin ka noqon kara Barwaaqo sooranka waddan xor ah,Somaliland aqoonsi kama heysato Soomaaliya iyo Waddamada caalamka,sidaas darteed Siyaasadda Dowladda Ingiriisku ma ogola arrimahaas in ay faraha la gasho”.

Waxaa uu ku taliyay Mr Tobias in madaxbanaanideeda ka dhameysato Somaliya,markaasna isku daydo in ay caalamka wax la qeybsato,haddii aysan taas dhicinna waxaa uu sheegay in Waddan kasta oo sal khalad ah talaabo u qaada ay dhaawaceyso shuruucda Caalamiga ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300