Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Howlgal ka socda Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay

Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Somaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka K/galbeed ay howlgallo ka wadaan degmadaasi.

Howlgalladaan oo ah kuwo amniga lagu xaqiijinayo ayaa wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay baarayaan xaafadaha degmadaasi qaar iyo sidoo kale deegaannada ku dhow degmadaasi.

Goob jooge ku sugan degmada Buurhakaba ayaa sheegay in uu arkay dad ay ciidanku ku qabteen howlgallada, balse waxa uu tilmaamay inaanu qiyaasi karin tiro ahaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Buurhakaba ayaa dhankooda xiriir aynu la sameynay waxay sheegeen in howlgalkaan uu yahay mid amniga lagu sugayo, islamarkaana wixii faah faahin ah ay dib saxaafadda kasiin doonaan.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300