Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Ciidamo gurigiisa kala baxay Wariye

ciidamo

Ciidamada Amaanka Buula-burde ayaa xalay gurigiisa kala baxay mid ka mid ah wariyeyaasha ka howgala magaaladaas.

Lama oga sababta ka dambeysay in Ciidamada ay kala baxaan gurigiisa wariye Amiin C/asiis Sheekh Cali, oo ka howlgala Radio Hiiraan-weyn qeybta Buula-burde.

Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn Maxamed Cusmaan Makaraan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay ilaa iyo hada in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in wariyaha ay wataan Ciidanka ammaanka, ogeysiis la’aan.

Waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay dig ugu soo deyn lahaayeen wariye Amiin C/asiis Sheekh Cali.

Radio Hiiraan-weyn ayaa ka mid ah Idaacadaha ku yaalla bartamaha Soomaaliya ee xubnaha ka ah Somali Media Association (SOMA).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300