Published On: Thu, Jan 19th, 2017

Ciidamada Senegal ayaa yimid xudduuda Gambia si cadaadis loo saaro madaxweyne Yahya Jammeh

_93646231_b01e3ef7-755c-427a-906e-2fd91da6b822

Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika ay tallaabo ka qaadi doonaan Gambia, haddii aan madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore.

Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay imaadeen xudduuda Gambia.

Nigeria ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka.

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Mr Jammeh ayaa diiday inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hadda jooga Senegal.

Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka laga soo bixiyay iyagoo lagu soo qaaday diyaarado qaas ah.

_93655775_5dcf5716-3b3b-47d4-88c0-f58ae8ec782c

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300