Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Xildhibaano Mooshin ka diyaariyay Shariif Xasan Sheekh Aadan

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan uu meesha ka baxay hankiisii ku aadanaa u tartamida Hogaanka dalka.

84 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay inay diyaariyeen Mooshinka xilka looga qaadaayo Shariif Xasan iyaga oo ku eedeynaya inuusan wax ka qaban deeganada Maamulkaasi.

Xildhibaan Cismaan Maxamed oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena qayb ka ah xubnaha diyaariyay Mooshinkaan ayaa Warbaahinta u sheegay in tirada Xildhibaanada ay gaarayaan 84 Xildhibaan, suuragalna ay tahay inay intaasi ka sii bataan Xildhibaanada.

Mooshinka ayuu sheegay dhawaan inay kaga dhawaaqi doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, kadib marka Xildhibaanada ay ku xaadiraan Baydhabo.

“Maya Mooshinka sidiisaba in aan uga dhawaaqno Muqdisho ma rabno, Baydhabo ayaan aadi doonaa, Meesha ayaana uga wada hadleynaa Mooshinka, 84 ruux ayaan mareynaa hada, Xildhibaano badan ayaa aragtidaan nala qaba oo qarkood wasiiro ay yihiin.” Ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Maxamed.

Xildhibaan Cismaan Maxamed, ayaa sheegay Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed inuu qoraayo 30 Xildhibaan inay Mooshin ka keeni karaan Madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa lagu eedeeyaa in howlaha Maamulka uu ka dhigtay mid kaligiis uu hogaanka u haayo, xilli ilaa hada Koonfur Galbeed aysan laheyn Madaxweyne ku xigeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300