Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Xaaladda Magaalada Cadaado oo Saaka Degen iyo Odayaasha Magaalada oo wada Dadaalo Nabadeed

cadaado2-620x330-300x160

Waxaa Saaka Degen Xaaladda Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug,halkaas oo shalay uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda.

Wararka ayaa sheegaya in Saaka Magaalada laga dareemayo Jawi Degenaan ah islamarkaana ay shaqeyneyaan Goobaha Ganacsi iyo kuwa Waxbarashada.

Dhanka kale Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa wada Dadaalo ay ku dooneyaan in mar kale uusan Dagaal ka dhicin Magaalada Cadaado oo hadda Xarun KMG u ah Galmudug.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa Dalka ku hayey Khilaafkii ka dhashay Go’aankii Baarlamaanka Galmudug ay ku sheegeen in ay Xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed,iyadoo Madaxweyne Guuleedna uu Go’aankaas ka soo horjeestay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300