Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Suldaan Afgaduud: ” Puntland ayaa ka dambeysa Xiisadda Siyaasadeed ee Galmudug

suldaan-afguduud-696x474

Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf Afgaduud  oo ka mid ah Salaadiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku eedeeyay in uu ka dambeeyo qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu tilmaamay Suldaanka in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu gadaal ka riixayo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo sheegay in ay Kalsoonida kala laabteen Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Suldaan Afgaduud ayaa ku nuux nuuxsaday in Shacabka Galmudug looga baahan yahay in ay ka fikiraan danahooda ayna meel uga soo wada jeestaan wax uu ugu yeeray Cadowga Deegaanada Galmudug.

Hadalka Suldaan Afgaduud ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad Siyaasadeed ay ka aloosantahay deegaanada Maamulka Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300