Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Qaramada Midoobay oo sheegtay ku dhawaad 100 ruux inay dileen ciidamada dowladda iyo Amisom bilihii la soo dhaafay

timthumb

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa muujisay in 4-tii bilood ee la soo dhaafay ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ku dileen Somaliya dad shacab ah oo gaaraya 92 Qof.

Tirada ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in ay ka badan tahay dilalka ay geysteen Al-Shabaab oo ay midda Ciidamada geysteen badan tahay.

Warbixintan oo lagu wareejiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidanka milatariga iyo Booliska Somaliya ay ku lug lahaayeen dilka 55 Qof oo shacab ah halka Amisom ay dishay 37 Qof oo rayid ahaa.

Warbixinta oo ka kooban 20 Bog,ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin gabood fallada ka dhanka ah shacabka ee ay geysanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom,kuwaas oo ku xadgudbaya xeerarka caalamiga ah iyo midka dhowridda Xuquuqda Aadanaha.

Amnidarrada ka jirta Somaliya ayey warbixintu xustay in ay tahay sababta ugu badan ee ay dambiyadaasi u dhacayaan,waxaana intaas dheer in Al-Shabaab kordhisay weerarada ay Gaadiidka isqarxiya u adeegsanayaan howlgalladooda.

Mushaaraadka dib u dhaca badan ku yimid ayaa sidoo kale lagu sheegay in  ay qeyb ka tahay gefka laga gelayo shacabka Somaliyed,waxa ay warbixinta muujisay in Ciidanka Milatariga Somaliya aysan 13 bilood mushaar qaadan halka Booliska aysan 15 bilood iyana mushaar helin.

Deeqbixiyayaal gaar ah ayaa bixiya mushaarka Ciidanka Dowladda iyo Booliska Federaalka oo lagu daray kun Askari oo ku kala sugan Kismaayo iyo Baydhabo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300