Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Puntland Baaq u dirtay Xildhibaanada Soomaaliya

Baaralamanka-Soi-238x178

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Puntland Xuseen Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay in ay dadejiyaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya si loogu gurmado dadka dhibaateysan oo ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in il gaar ah lagu eego xaalada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iney isku gurmadaan oo ay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan.

Guddoomiye Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in meel loogu soo wada jeesto u gurmashada dadka dhibaateysan ee ku nool gobolada Dalka.

Degaano ka tirsan gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka jirta abaaro kuwaasi oo saameyn ku yeeshay inta badan qoysaska danyarta ah .

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300