Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Mareykanka:Somalida aan sharciga heysan oo mudada loo kordhiyay

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay waqtiga ku meelgaarka ahee joogitaanka Mareykanka u kordhisay Somalida dalkaasi ku nool.

Kaliya shan maalmood ayaa uga dhiman Obama maamulidda xafiiska aqalka cad,waxaana uu inta uusan baneyn maamulkiisa kordhiyay muddada dadka Soomaalida ah ee aan muwaaddiniinta noqonin sii joogi karaan Mareykanka.

Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka ayaa 18 bilood ku kordhisay mudada ay Somalida sharci la’aanta ah sii joogi karaan Mareykanka,waxaana ay midda hadda heystaan ku egtahay 17ka Bisha March ee soo socota.

Hadda waxaa ay mudadan cusub u ogolaaneysaa Soomaalida Mareykanka in ay sii joogaan ilaa 17ka September 2018ka,waxaana ay dib isu diiwaan gelinayaan marka ay ka dhamaato waqtiga ay hadda heystaan.

Xildhibaan Amy Klobuchar,oo laga so doorto Mannisota ayaa sheegay in Somalida ay yihiin dad aad u wanaagsan,shaqo badan,saxiibtinimo leh ,waxaana uu soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen Maamulka Obama ka hor inta aysan talada ka degin 20ka Bishan.

Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa horay ugu hanjabay in marka uu talada la wareego ay dadka soo galootiga ah oo dhan ka bixi doonaan Mareykanka.

13 dal ayaa Mareykanka oggolyahay in dadkooda ay sharcigaas ku joogaan Mareykanka,waxaana waddamadaas kala yihiin:

. El Salvador, Guinea, Haiti, Honduras, Liberia, Nepal, Nicaragua, Sierra Leone, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen.

Soomaalida waa dadkii ugu horreeyay ee sharcigan sababtiisa lahaa,waxaana u sameeyay madaxeynihii hore ee Mareykanka Bush 2001kii,waxaana kordhiyay Obama 2012kii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300