Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Galmudug oo sheegtay in ay ka hortageyso Dagaal kale oo ka dhaca Cadaado

galmudug-620x330

Xilli Maalintii Shalay Magalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug uu ka Dhacay iska horimaad geystay qasaare isku jiro dhimasho iyo dhaawac una dhaxeyay Ciidamada Nabad Sugid iyo Kuwa Booliska isalmrkana Salka Ku Haysay Qilaafka siyaasadeed ee xilligaani ka Taagan Magalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye Oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha  Cadaado ayaa waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka digayaan dagaal kale oo ka dhaco Magalada Cadaado isagoona ugu baaqay shacabka reer cadaado in ay la shaqeyaan laamaha Amaanka si loo sii xoojiyo amaanka dagmada Cadaado.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka xun yihiin Dagaalkii shalay ka dhacay magalada cadaado wuxuna intaasi uu ku daray in ay wadaan dadaalo ay ku xalinayaan arintaasi.

Ugu Dambeyntii Guureey ayaa waxaa uu digniin adag u diray shaqsiyaad uu sheegay in hub sharci daro ah ay ku haystaan magalada cadaado kuwasi oo mararka qaar lagu geysto falal amniga lidiga ku ah

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300