Published On: Wed, Jan 18th, 2017

Aqoonyahan sifo aan sharci ahayn ku tilmaamay Siyaasiyiinta sheeganaya Isbedel doonka

astaanta.qaranka-300x2282-696x529

Xilli lagu wado in dhawaan doorashada Madaxweyne ee dalka oo ay isku soo taageen Musharrixiin kala duwan soona bandhigay waxqabadyadooda ayaa Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa uu sharraxaad ka bixiyay Musharrixiin sheegtay in ay yihiin Isbedel doon.

Waxa uu sheegay Prof Maxamed Xasan Doob in Musharrixiinta  sheeganaya in ay yihiin kuwa Isbedel doon ah loo baahan yahay in  ugu horreyn ay iyaga iska billaabaan taasina ay muujineyso in waqti dheer ay joogeen Saaxada Siyaasadda dalka oo booskooda ay ku wareejiyaan Aqoonyahanada kale ee Soomaaliyeed.

“ Muddooyinkii u dambeeyay iyaga ayaa ka soo muuqanayay Siyaasadda Soomaaliya , taasina ma muujineyso wax la yiraah Isbedel” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Prof Maxamed Xasan Doob.

Ugu dambeyn ayuu shaaca ka qaaday Aqoonyahankani Soomaaliyeed in loo baahan yahay in hoggaanka dalka loo igmado qof leh hanaan wanaagsan oo karti u leh wax ka qabashada xaaladaha guud ee dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300