Published On: Tue, Jan 17th, 2017

QM oo sheegtay in toban kun oo qof ay ku dhinteen colaadda Yemen

_93623226_750449bb-7ccf-4576-a0c2-4d29009f236a

Madaxa arrimaha gargaarka ee dalka Yemen ayaa soo saaray tirada dhimashada ee dadka Yemen ku dhintay muddadii dagaalka uu halkaasi ka socday.

Warkan ayaa lagu sheegay in ku dhowaad tobon kun oo qof ay dagaalada Yemen ku dhinteen tan iyo sanadkii 2015-ka markii kooxda Xuutiyiinta lagu qaaday weeraradii ay dowladda Sacuudiga hoggaaminaysay.

Sarkaal u hadlay xafiiska bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tiradan la qiyaasayo lagu ogaaday diwaangelin laga sameeyey xarumaha caafimaadka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegaysa in colaadda Yemen ay ka mid tahay kuwa ugu daran adduunka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300