Published On: Tue, Jan 17th, 2017

Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho, xilli uu Masaajid ka soo baxay

nawadoon lagu dilay magaalada mogadisho

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Islow Geedi, ayaa waxaa fiidnimadii xalay lagu dilay Degmada Wadajir ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Dilka Nabadoonka, ayaa ka dhacay xaafadda Siliga, qaybteeda soo xigta Degmada Wadajir, ka dib markii laga soo dareeray Salaaddii Maqribka ahayd. Marxuumka ayaa ka tirsanaa guddiga Masaajidkaasi.

Goobjooge, ayaa yiri “Nabadoonka waxaa lagu dilay afka hore Masaajid lagu magacaabo Bacweynaha, wax yar ka dib markii laga soo baxay Salaaddii Maqrib. Laba nin oo dhalinyaro ahaa ayaa madaxa kaga dhuftay xabado, wayna baxsadeen.”

Goobjoogaha, ayaa yiri “Aniga waxaan Masaajidka imid iyadoo Salaadda lagu jiro, nimankan dilka gaystay-na waxay fadhiyeen bannaanka Masaajidka. Markii Salaadda laga soo baxayna Nabadoonka ayay dileen.”

Waxaa uu intaa raaciyay “Anagoo dhawr qof ah, ayaa waxaan dhaawac ahaan u qaadnay Nabadoonka, laakiin intii aan sii wadnay ayuu wadada ku dhintay.”

Goobjoogahan oo ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto, ayaa xusay in marxuumku uu ka soo laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, isagoo xubin ka ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Hirshabelle ku metelaya Baarlamaanka Somaliya.

“Nabadoon Islow Geedi, ayaa ahaa Nabadoon laga garanaayay Degmada Wadajir, mar dhow ayuuna ka soo laabtay Magaalada Jowhar. Nabadoonka wuxuu ka mid ahaa Ergadii Hirshabelle ee soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka.” Ayuu yiri goobjoogahan.

Dhanka kale ciidamada ammaanka oo dilka ka dib gaaray goobtii uu falka ka dhacay, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo su’aalo weydiinaayay dad ku sugnaa goobtaasi.

Maamulka Degmada Wadajir iyo Saraakiisha ammaanka, ayaan weli ka hadlin dilka qorsheysan ee Nabadoon Geedi loogu gaystay Degmadaasi.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab, ayaa horey ugu cago jugleeyay in ay beegsanayan cid kasta, oo ka qayb qaadata geedi-socodka doorashooyinka dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in ergo kala duwan ay ku dileen qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300