Published On: Tue, Jan 17th, 2017

Laba qof oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso

laba qof

Laba qof, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii lagu dilay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo dhinaca kalana ay baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo dilkaasi gaystay.

Labada qof ee la dilay, ayaa ka tirsanaa Ciidanka Booliska Puntland, waxaana uu dilkoodu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso. Askarta la dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray Bashiir Maxamed C/raxmaan iyo Maxamed Jaamac Xersi.

Labada askari, ayaa waxaa ay ka tirsanaayeen Ciidanka Ilaalada Bankiga Dhexe Puntland, waxaana la dilay xilli ay ku guda jireen suggida nabadgelyada.

Goobjooge, ayaa xaqiijiyay in raggii dilka gaystay ay ka baxsadeen wadada dheer ee marta Bartamaha Magaalada Boosaaso, ka dib markii ay si gaadmo ah ku dileen askartaasi.

Goobjoogaha, ayaa intaa ku daray in dad fara-badan oo xilligii ku sugnaa wadada, ay ku kala carareen rasaastii lagu dilay labada askari.

Saraakiisha Puntland, ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaalada ganacsiga Puntland ugu wayn ee Boosaaso, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adaha amniga, ay dad u soo qab qabteen falkaasi.

Bishii hore ee December, ayaa Magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay saddex Sarkaal oo ka tirsanaa Maamulka Puntland, waxaana tallaabada lagu dilay sheegtay Ururka Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300