Published On: Tue, Jan 17th, 2017

Diiwaangelinta Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo maanta Muqdisho ka bilaabanaysa

diiwaangelenta

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in Maanta ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare ee dalka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa Koowaad iyo labaad.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Senator Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 17-1-2017 ay u fadhiisan doonaan diiwaan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana ay socon doonto diiwaan gelinta ilaa 19-ka Bishan oo ku beegan Maalinta Khamiista.

Waxa uu sheegay in Xubnaha Aqalka Sare keliya ay xaq u leeyihiin ka qeyb galka doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in diiwaan gelinta ay ka bilaabaneyso Xarunta KMG ee Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, iminka ay ku shaqeeyaan.

Maalinta Sabtida ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 21-ka Bishan waxaa khudbado laga dhageysan doonaa Musharaxiinta u sharaxan Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

22-ka Bishan oo ku beegan Maalin Axad ah ayaa waxaa dhici doonta Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida ay sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddonka Aqalka Sare.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300