Published On: Tue, Jan 17th, 2017

Ciidanka Puntland oo hawlgal ballaaran ka wada Magaalada Boosaaso, ka dib dilal ka dhacay

ciidamada puntland

Ciidanka Puntland, ayaa saakay hawlgal ka wada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ka dib markii shalay galab lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Puntland.

Wararka waxa ay sheegayaan Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta oo wada socda in ay wadaan hawlgalkan, oo ay ka wadaan xaafadaha magaalada.

Dabley hubeysan, ayaa shalay gabal dhicii si bareer ah Bartamaha Magaalada Boosaaso ugu toogtay Allaha u naxariistee labadan askari, oo lagu kala magacaabi jiray Bashiir Maxamed C/raxmaan iyo Maxamed Jaamac Xersi.

Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Boosaaso iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari, ayaa horkacaya hawlgalka ballaaran ee ka socda Boosaaso.

Illaa hada lama soo sheegin hawlgalkaasi dadka lagu soo qab qabtay tiradooda, balse waxaa jirta in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro ay tuhmayaan.

Ciidanka Puntland, ayaa mararka qaarkood waxaa lagu eedeeyaa in dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Somaliya, ay la xiriiriyan weerarada, ay Shabaabku ka gaystaan Magaalada Boosaaso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300