Published On: Tue, Jan 17th, 2017

Askari ka tirsan Jubbaland oo Askari kale ku Toogtay Magaalada Kismaayo

askari

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Maamulka Jubbalandna u ah Xarunta KMG ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland uu Magaalada ku dhex dilay Askari kale oo asna ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Askariga la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cabdi Afeey.

Askariga Dilka geystay ayaa ka baxsaday Goobtii uu ku dilay Askariga kale,waxaana Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ay sheegeen in ay wadaan Baaritaano lagu soo qabanayo.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegtay Sababta ka dambeysa ee Askariga uu u dilay Askariga kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300