Published On: Tue, Jan 17th, 2017

Amisom oo dalbatay ciidamo dheeri ah

amisom ciidamo dheerad ah

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya ahna Guddoomiyaha Amisom Francisco Madeira ayaa sheegay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo Somaliya ka howlgala.

Madeira ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin inay sii yaraadaan ciidamada Amisom, kadib markii dowlado badan oo Burundi ka mid tahay sheegeen in dalka ay kala bixi doonaan ciidankooda.

Waxa uu tilmaamay Mr Madeira in Amisom ay u baahan tahay ugu yaraan 9 kun oo Askari, kuwaasi oo ka qeyb qaata howlgallada ka dhanka ah la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Francisco in loo baahan yahay ugu yaraan 20 kun oo ciidamada Somaliya ah kuwaasi oo si hufan ula wareega howlaha Amisom ka hayaan Somaliya, walibana ah ciidamo tababaro dheeraad ah la siiyay.

Francisco Madeira ayaa dhinaca kale sheegay inay jirto dhaqaale xumo soo wajahday ciidamada Amisom, taasi oo sabab u noqon karta in dowlado badan ay ciidankooda kala baxaan Somaliya.

Ciidamada Amisom ee Somaliya ku sugan ayaa ah hada ciidamo badan oo haysta qalab casri ah oo dagaal, mana muuqato horumaro wanaagsan oo dagaalka Shabaab kula jiraan ay ka sameeyeen.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Burundi ay sheegtay inay bilowday Isniintii shalay hannaanka ay ciidankeeda ka badan 5-ta kun u gala bixi lahayd Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300