Published On: Mon, Jan 16th, 2017

Xiisad dagaal oo ka taagan deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool

xiisad

Wararka ka imaanaya deegaanka Garasweyne oo ka tirsan Gobolka Bakool, ayaa sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xaalad dagaal oo la xiriirta dilal aanooyin qabiil ah.

Xasan Aadan oo ka mid ah dadka degaankaas ayaa sheegay in hadda aanuu jirin wax dagaal ah balse la fili karo xilli kasta maadama aaney jirin wax dhex dhexaadin ah oo u dhaxeeyay labada beelood oo halkaa ku dagaalamay.

Dagaalka labada beelood dhexmaray ayaa sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weli xaalada deegaanka laga dareemaayo saan saanta colaada dagaalka.

“Niman ka tagay magaalada oo shaarka Dowladda gashan oo ciidan isku sheegaaya ayaa oo dad beel ah taargis garaysanaayay, dad kalena waa u xiran yihiin oo ah beeshii dadka laga dilay ah, ninka gobarnatooraha ah markii loo tagay oo la yiri dadkan maxaa lagu hayaa qabiil baa haysta ayuu yiri, qabiilkana waa kii uu ka dhashay, deegannada hadda way iska degan tahay, nin oday ahoo muctaraf ah oo deegaannada laga yaqaanno iyo wiilkiisii ayaa lagu dilay dareenku waa iska kacsan yahay, laakiin wax hadda ah ma jiraan.” Ayuu yiri Ruuxaasi dadka deegaanka ka mid ah

Dagaal Beeleed 2 cisho ka hor ka dhacay Garasweyne ayaa waxaa ku dhintay 4 ruux inta la xaqiijiyay, iyadoo lagu soo warramayo in aaney jirin wax dadaallo ah oo lagu kala dhex dhexaadinayo isla markaana lagu qaboojinaya xaaladda.

Maamulka Gobolka Bakool, ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug leeyihiin dagaal beeleedyada xiisadooda ay ka taagan tahay Deegaanka Garasweyne oo ah duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300