Published On: Mon, Jan 16th, 2017

Wararkii ugu dambeeyay Xil ka qaadistii Madaxweyne Guuleed iyo Xildhibaano ka hadlay

Madaxweynaha_Galmudug_Guuleed_HOL-620x330

Xildhibaan Faysal Axmed C/dulle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan ka laaban doonin go’aanka ay Xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano si gooni gooni ah loo soo wacay balse diiday in ay ka laabtaan go’aankooda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan in isbadal hogaamineed lagu sameeyo Maamulka Galmudug isla markaana aysan ka laaban doonin go’aankooda iyo isbadalka ay doonayaan.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta degaanada Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qaarkood ayaa horay u shaaciyay in Xilkii ay ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug qaarkood ayaa sheegaya in go’aanka Xildhibaanada uu yahay mid sharci daro ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300