Published On: Mon, Jan 16th, 2017

Al-shabaab oo Dagaal Culus Xalay ku qaaday Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose

201673636031046470158958shabaab-620x330

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya ib Xalay uu ka dhacay Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Dagaalameyaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid markii Al-shabaab ay Weerar dhowr jiho ah ku soo qaadeen Magaalada Qoryooley,waxaana Labada dhinac ay isu adeegsadeen Hubka Culus iyo kan Fudud intaba.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Al-shabaab ay la wareegeen qeybo ka mid ah Degmada Qoryooleu Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale War lagu qoray Websetyada Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Dagaalameyaashoodu ay Gacanta ku dhigeen inta badan Magaalada Qoryooley.

Dagaalka ka dhacay Degmada Qoryooley ayaan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay ee kala gaaray Labada Dhinac iyo Dadkii lagu dul dagaalamay.

Hayeeshee dadka ku nool Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaa ay la kulmaan inta badan Weeraro Degmada ku dhexmara Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300