Published On: Sun, Jan 15th, 2017

Taliska AMISOM iyo Britain oo ka wada hadlay Howlgalka Soomaaliya ka socda

amisom

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Subagleh ayaa Magaalada Muqdisho waxuu kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Britain u fadhiya Dalka Soomaaliya, David Concar.

Safiirka Britain ee Sooomaaliya, David Concar ayaa waxuu sheegay in warbixin kooban laga siiyay howlgallada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu tilmaamay in sidoo kale xog laga siiyay Dagaalka ka dhanka Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Dhiniciisa, Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Gen. Subagleh ayaa waxuu tilmaamay in si wanaagsan uu u socod howlgalka lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Kulankan ayaa waxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo Safiirka cusub ee Dowladda Britain oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300