Published On: Sun, Jan 15th, 2017

Doorashada aqalka sare ee Somaliland oo dib uga billaabaneysa Muqdisho

doorasho-1-300x225

Doorashada Xubnaha Somaliland ku matalaya aqalka sare ee Soomaaliya aya alagu wadaa in maalinta beri ah ay dib uga billabato Magaalada Muqdisho kaddib hakad ay ku jirtay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Xubnaha matalaya Maamulka Somaliland Jaamac Maxamed Qaalib,ayaa sehegay in ay beeri dib u billaayaan dhameystirka xubnaha aqalka sare.

Waxaa uu sheegay in 11 ka xubnood ee ay Somaliland ku leedahay aqalka sare 6 ka mid ah horay loo doortay haddana ay dhimanyihiin 5 xubnood kuwaas oo sida uu sheegay hakad ugu jiray muranka Beelaha.

Beelaha qaar ayuu sheegay in ay isku dayayaan in ay Aqalka sare iyop Golaha shacabka ka helaan Kuraas iyada oo beelo kalena aysan xubin ku lahayn golaha shacabka.

Jaamac Maxamed Qaalib,ayaa sheegay in Guddiga ay go’aan gaari doonaan haddii Beelaha ay ku heshiin waayaan dhameystirka doorashada iyo qeybsiga kuraasta aqalka sare iyo kan Gol;aha shacabka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300