Published On: Sun, Jan 15th, 2017

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo Weerar ku qaaday Saldhig Shabaab ay ku leeyihiin Sh/Hoose

Danab-620x330

Wararka naga soo gaaraya Tuulada lagu Magacaabo Yaaq-doomaar oo u dhaw Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Fariisinka ku leh Garoonka Diyaaradaha  Ee Bali-doogle ay Weerar ku qaadeen Saldhig Shabaabku ay ku leeyihiin halkaas.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay Weerar Culus ku qaadeen Saldhiga Al-shabaab ee Degaanka Yaaq-doomaar Gabal-dhicii Shalay,balse aan la ogaan karin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xaqiijiyay jiritaanka Weerarka Ciidanka Dannab ay ku qaadeen Fariisinka Al-shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Dowladda Mareykanka ayaa dhowr Jeer Weeraro kala duwan ka Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300