Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Xildhibaan Xidig “99 Xildhibaan ayaan ku midownay in isbedel Hogaamiye dalka uu ka dhaco

xidig

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo Arbacadii looga guuleystay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka, ayaa shaaca ka qaaday inay ku midoobeen isaga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya dalka inuu ka dhaco isbedel Hogaamiye.

C/rashiid Xidig, waxa uu sheegay 99 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka inay qabaan aragtida ah in isbedel siyaasadeed uu dalka ka dhaco.

Xildhibaan Xidig wuxuu sheegay isbedelka Siyaasadeed ee dalka inuu ka soo biloowday Xildhibaano cusub oo ku soo biiray Siyaasada dalka, islamarkaana loo baahan yahay in isbedelkaasi uu sii socdo.

“Sida noo muuqata dalka wuxuu u baahan yahay isbedel Siyaasadeed, isbedelka wuxuu ka soo biloowday Baarlamaanka, in dib u eegis lagu sameeyay oo Baarlamaan cusub ay yimaadeen, Baarlamaankii hadii isbedel ku yimid waa in Madaxda qaranka ay isbedel ku yimaadeen, hadii aysan taasi dhicin wax macno ah ma sameynayso, 99 Xildhibaan ayaan nahay 97 Xildhibaan waa kuwii ii codeeyay, labo codna waa ay iga xumaadeen.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay si loo saxo waxyaabihii qaldamay muhiim inay tahay in laga dhabeeyo isbedelka siyaasadeed ee la doonaayo Somaliya inay cagaha la gasho.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah sii hayaha Xilka Madaxweynaha Somaliya ayaa mar kale u hanqal taagaya qabashada xilka Madaxtinimada Somaliya, xilli inta badan Xildhibaanada ay ka go’an tahay inay la yimaadaan isbedel hogaamiye oo dalka ka dhaca.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300