Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Somaliya iyo Pakistan oo gaaray heshiis cusub

Pakis-620x330

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo u dhaxeya labadaasi dal.

Heshiiska  ayaa lagu sheegay in labada dal ay doonayaan kobcinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Kulan dhex maray Danjiradda Soomaaliya ee Pakistaan,Khadiijo Max’ed Al-Makhtuumi iyo la taliyaha Amniga qaranka Pakistaan Naasir Kham Janjua.

Labad dhinac ayaa ka wadaha hadlay sida labada dal isaga kaashan karaan amniga,gaashaandhigga,ganacsiga,horumarinta mashaariicda iyo tayeynta shaqaalaha.

Danjire Khadiija oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in Pakistaan ay leedahaya wood badan oo ay ku hakisay amni darrada gudaheeda Soomaaliyana ay dhibkaas la qabto una baahan tahay in ay ka guuleysato iyada oo kaashaneysa Pakistan.

Lataliyaha amniga qaranka ee Pakistan ayaa isna sheegay in Somaliya ay tahay dal muhiim ah,heshiiska labada dalna ay ka wada faa’idi doonaan.

Xigasho:RadioPakistan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300