Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Sarkaal Sare oo Al-Qaacida ka tirsan oo dalka Yemen lagu dilay

sarkaal

Wasaaradda Gaashaadhigga wadanka Mareykanka ayaa shalay oo Jimco aheyd waxa ay shaaca ka qaaday inay dishay mas’uul sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida ayna ku dishay duqeyn ka dhacday wadanka Yemen.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in duqeynta ay ka dhacday xaafado ku yaallo bartamaha Yemen waxaana ku dhintay hogaamiye ka tirsan Ururka Al-Qaacidda.

“Duqeyntan waxay keentay inuu baxo mas’uul ka tirsan ururka Jihaad doonka Al-Qaacidda waxa uuna mid ka mid hogaamiyaasha ugu cad cad jasiiradda carabta howlaha argagixisinimo ee alqaacidda waxay saameyneysaa Yemen iyo guud ahaan gobolka.” saas waxaa yiri afhayeenka u hadlay wasaaradda difaaca ee Mareykanka .

Washington ayaa waxay aaminsantahay in ururka Al-Qaacidda uu ku faafsan yahy wadanka Yemen waxayna u aaminsan tahay in farac ugu halista badan uu halkaasi uu ku sugan yahy .

Yemen ayaa Goobjoog u noqotay muranno siyaasadeed in ka badan 20 bil, waxayna sababtay iny ku dhintaan dad kor udhaafayo 7 kun halka 37 kun oo kalana ay ku dhaawacmeen .

Al-Qaacidda iyo Daacish waxay ka faaideysteen muranada siyaasadeed ee Yeman ka jira waxayna awoodooda ay ku balaariyeen Yeman gaar ahaan koonfurta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300