Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Midowga Yurub oo baaq u diray hoggaanka cusub ee baarlamaanka

EU-238x178

Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.

War kasoo baxay ururka Midowga Yurub ayaa loogu baaqay hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan dejinta Siyaasad leh sharci iyo kala dambeyn.

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale doorashadii xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga ee ka dhaqan gashay Soomaaliya.

Waxaa loogu baaqay warka kasoo baxay Ururka Midowga Yurub in xildhibaanada cusub looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo nabadeynta Geeska Afrika.

“Xubnaha Ururka Midowga Yurub waxaa ay rajo fiican ay ka muujiyaan doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka rajeynaynaa in ay diirada saari doonaan in ay ka hortagaan caqabadaha cusub ee soo wajihi kara” ayaa lagu yiri warka ururka Midowga Yurub.

Ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in tahay guul usoo hoyatay dalalka Geeska Afrika dhammaan doorashada Afhayeenka golaha Shacbiga Soomaaliyeed.

“Waxaa ugu baaqaynaa xildhibaanada cusub in ay kasbaan kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed ee ay matalayaan” ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Yurub.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300