Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Mareykanka oo ka digay weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin dalka Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa Kenya kaga digtay suura galnimada weeraro Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geystaan gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabo weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalooyinka dhaca xeebaha dalka Kenya.

War ka soo baxay sirdoonka Mareykanka ayaa loo gudbiyay sirdoonka dowladda Kenya, waxaana lagu wargeliyay inay jiraan xogo amaan oo la helay, kuna saabsan weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin xeebaha dalka Kenya.

Muwaadiniinta Mareykanka ee kusugan dalka Kenya, ayaa lagu wargeliyay inay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ay ka sameynayaan magaalooyinka dhaca dhanka xeebaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay heegan buuxa gelisay ciidamada dalkeeda, si looga hortago weerarada Al-shabaab damacsan yihiin inay ka geystaan gudaha dalkaasi Kenya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300