Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Immisa Bilood aysan Mushaar qaadan shaqaalaha dowladda?

imasa bilood

Wasiir dowlaha Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin mushaar la’aan.

Khaalid ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidanka xoogga aysan mushaar qaadan muddo ku dhow 7 bilood.

Liiska Wasaarada Maaliyadda ayuu sheegay in ay ku cadahay in aysan mushaar qaadan shaqaalaha dowladda.

Inta badan ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda oo ah xubnaha ugu muhiimsan shaqada dowladnimada Soomaaliya ayaa la sheegaya in mushaarka ay ku shaqeeyaan uu ka maqnaado muddo badan.

Xilliyada kala guurka ah ayaa ah waqtiyada ugu badan oo ay shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka Xoogga dalka aysan qaadan mushaarka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300