Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Gud.Jawaari oo beeniyay in uu ka qeyb galay shirka madasha ee arrimaha Galmudug

prof.-Jawaari

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Federalka Soomalaiya ayaa sheegey in waqtigii Madasha Hogaamiyaasha qaran uu dhamaaday.

Mr Jawaari oo Warkaan soo Dhigey Bartiisa Twitterka ayaa ku cadeeyey Warkaan, isagoo sheegey In si jiritaanka Madasha ay sharci darro ku tahay Dastuurka Kumelgaarka Dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhinaca kale si Rasmi ah u cadeeyey inuusan ka qeyb galin Kulan qadka talefoonka ay madasha uga yeelatay Xil ka qaadistii Baarlamanka Galmudug ay ku sameyeen Madaxweynaha Maamulkaasi.

“Sii socoshada Howlaha Madasha waa mid sharci daro ku ah Dastuurka Kumeelgaarka dalka,mana jira Kulan aan qadka taleefonka uga qeybgalay oo looga hadlaayey Khilaafka u dhaxeya Madaxda Galmudug” ayuu Gudomiye Jawaari ku yiri Warka uu soo Dhigey Bartiisa Twitterka.

11 BISHAAN Inta badan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari markale u doortay in uu noqdo Afhayeenka Golaha Shacabka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ka adkaaday xubnihii kale ee la tartamaayay, oo kala ah C/rashiid Maxamed Xidig, C/fitaax Maxamed Ibraahim (Geesey) iyo Idiris Cabdi Takhtar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300