Published On: Sat, Jan 14th, 2017

Ammaanka Xildhibaanada Galmudug oo halis ku jira

hot news

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in amnigooda uu halis ku jiro, kadib markii loo adeegsaday ciidamada Nabad Suggida qaybta ka howlgasha Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Kulan qado ah oo shalay Xildhibaanada Galmudug ay isugu yimaadeen Magaalada Cadaado, ayaa waxaa carqaladeeyay kulankoodii ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Galmudug, kadib markii ay ugu tageen Hotelkii Xildhibaanada Galmudug ay ku qadeynayeen.

Muuqaal Video ah oo ay duubeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Galmudug ayaa laga dhex arkaayay Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Galmudug oo xiran direeska ciidanka oo ku dhex jira Xildhibaanada una sheegaya inay ku kala tagaan kulanka ay u fadhiyaan.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi ku aadan amnigooda oo halis ku jira, maadaama loo adeegsanaayo ciidamada Nabad Suggida Galmudug.

Qaar ka tirsan Xildhibaanadaasi oo Warbaahinta ka qaylo dhaamiyay ayaa fariin u diray Beesha caalamka oo ay sheegeen inay ka sugayaan tallaabo in laga qaado Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo xilkii ay ka qaadeen.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen inay muujiyeen kaliya isla xisaabtan ku aadan shaqadii fashilmatay ee C/kariin uu haayay, sidaasi awgeedna xilkii ay uga qaadeen.

Xildhibaanada Galmudug oo aanan hubaysneyn ayaa sheegay shacabka Galmudug inay ka sugayaan difaacida Xildhibaanada, maadaama amnigooda qatar ay ku jiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300