Published On: Fri, Jan 13th, 2017

Xildhibaan Hore Xoosh oo ka hadlay Kaalinta Shariif Xasan ee Guuldaradii Faarax Sheekh C/ qaadir

XOOSH

Xildhibaan hore C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho uu ku guuleystay Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudeey oo noqday Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomalaiya.

Sidoo Kale Mahad Cabwala cawad ayaa noqday Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Soomalaiya, Labadooduba waxy ka kala guuleysteen Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/qaadir Baqdaadi.

Xoosh Jibriil ayaa sheegay in guuldaradii Faarax Sheekh ay tahay fariin loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maadaama ay Saaxiibo dhaw yihiin Xildhibaan Faarax.

Waxa uu Xildhibaan hore C/raxmaan Xoosh tilmaamay iney shalay banaanka timid Awooda Doorashada uu ku dhexleeyahay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha usuura galiyay Gudoomiye Muudeey inuu Codad aad utira badan kaga guuleysto ninkii loo saadaalinayay Kursiga ee Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300