Published On: Fri, Jan 13th, 2017

Madaxweyne kuxigeenka Ahlu-Suna oo ka hadlay Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka

AHLU-SUNA

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-Suna ayaa ka hadlay Doorashadii Labadii Malain ee ina dhaaftay ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada oo lagu doortay Gudoonka Baarlamaanka Soomalaiya iyo Labadiisa Kuxigeen.

Cali Baashi Aadan Faarax ayaa soo dhaweeyay sida ay uqabsoontay doorashadii Shalay ee looga guuleystay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir inuu ku fariisto kursiga Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka Ahlu-Suna ayaa sheegay in doorashada ay udhacday si wanaagsan, waxa uu sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in isbadalka dalka uu saameeyo Hogaanka hada Dalka ka arimiyo oo mar kale ushraxan Madaxtinimada.

Waxa uu sidoo Kale Baashi soo hadal qaaday xiisada ka soo cusboonaatay Magaalada cadaado oo uu buuq ka dhex jiro xiligan Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Beeniyay in Maamulkooda uu gadaal ka riixayay Mooshinkii xilka looga qaaday Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo siyaasiyiin badan Ahlu-Suna arinkaas ku eedeysay.

Wareysiga uu siiyay Idaacadda Mustaqbal Cali Baashi Aadan Faarax ayaa ugu danbeyn kaga hadlay amniga deegaanadooda iyo dhibaatooyin mararka qaar laga tirsado Maamulkooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300