Published On: Fri, Jan 13th, 2017

Galmudug oo gacanta ku dhigtay dambiilayaal

Howlgal-300x194

Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo Dagaal beeleedyo ka hurinayay Degaano hoostaga Gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhowaanahan ay ku dagaalamayeen xubno ka tirsan Maleeshiyo beeleed.

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Mamulka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga gaaray Degaanka Gadoon oo 30-KM u jira Magaaalada Dhuusa-mareeb.

Xubnahan ayaa u jeedada ay u gaareen Degaanka Gadoon waxa ay tahay sidii loo xalin lahaa Dagaal beeleedyada, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxaha Dagaaladan hurinaya.

Maxamed Nuur Diini (Afweyne) Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee Mamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Ciidanka ammaanka in ay gacanta ku dhigeen rag hurinayay Dagaal beeleedyada.

Maanta ayaa lagu wadaa in heshiis xabad joojin ah la dhexdhigo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay, waxaana waxgaradka ay wadaan wada hadalo nabadeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300