Published On: Fri, Jan 13th, 2017

Askar tababar loo dirayo

Xaamud-238x178

15 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u duuli doono Dalka Suudaan, si halkaasi ay ugu soo qaataan Tababar iyo sidoo kale waxbarasho ku aadan dhanka shuruucda iyo Qaanuunka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay 15-ka Dhalinyaro in ay Dalka Suudaan ku maqnaan doonaan ilaa 4 sano.

Waxa uu sheegay inta halkaasi ay joogaan in ay soo qaadan doonaan Tababaro kala duwan, sidoo kalena ay soo baran doonaan kuliyada sharciga iyo Qaanuunka.

Taliye Xaamud ayaa sheegay mar hadii uu wadanka is bedelayo in ay diyaar u yihiin in ay wax ka bedelaan dabeecadaha Booliska, si loo helo Ciidan u adeegi kara bulshada, lana dhaqmi kara.

Dalka Suudaan ayaa ka mid ah dalalka garabka siiya Soomaaliya, gaar ahaan ka taageera dhinaca Tababarada Ciidanka iyo in ay siiyaan Qalab Millatari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300