Published On: Wed, Jan 11th, 2017

Xildhibaan Fiqi: “Guddi ayaan u direynaa Galmudug

fiqi-620x330

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo galay Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay Guddi u saarayaan khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Galmudug kaas oo sababay in Xildhibaannada Galmudug ay xilka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Guuleed.

Fiqi oo ah Guddoomiyaha Xildhibaannada labada aqal ee ka soo galay Galmudug ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Galmudug ay ka dambeeyaan Musharrixiin ku fashilmay in ay Galmudug ka soo galaan kaddib markii ay fashilmeenna ay billaabeen in ay bur buriyaan Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Guddiga ay u dirayaan ay diyaariyeen islamarkaana ay tagayaan Cadaado si ay u dejiyaan xiisadda Siyaasadeed ee hadda ka aloosan Cadaado.

Xildhibaanno gaaraya 54  oo ka mid ah Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

C/Kariin oo Shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay sharci darro tahay falka xilka qaadista lagula sameeyay waxaana uu ku tilmaamay in dad ku shiray maqaayado ku yaalla Cadaado ay ka dambeeyaan xilka qaadistiisa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300