Published On: Wed, Jan 11th, 2017

Morocco oo “mamnuucday iibinta iyo sameynta burqaha

_93350400_1201fcf4-f24d-40c0-87cb-1ed2fec63064

Marocco waxay mamnuucday iibinta, sameynta, iyo soo dhoofsashada dharka asturan ee dumarka Muslimiinta, sida ay sheegayaan wararka dalkaasi ka imaanaya.

Warqado lagu shaaciyay arrintan ayaa la faafiyay Isniintii. Ganacsatada waxaa la siiyay 48 saacadood oo ay ku joojiyaan iibinta burqaha.

Balse ma jirto hadal rasmi ah oo dowladda ka soo baxay. Xubin ka mid ah dowladda oo aan la magacaabin ayaa laga soo xigtay in go’aanka uu yahay mid “amniga quseeyo”.

Macaddo in dowladda Morocco ay si ula kac ah u mamnuuceyso dharkan sida weyn looga xirto dalkaasi.
Spain oo qabatay Tahriibe boorso lagu xiray
Dumarka reer Morocco oo ka dagaalamaya xadgudubka ragga
Morocco oo dalbatay dib ugu soo noqoshada Midowga Afrika
Masuul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warkan ku xaqiijiyay bog wararka baahiyo oo lagu magacaabo Le360.

Wuxuu sheegay, “Burcad ayaa si joogto ah u adeegsado xijaabka iyo indhashareerka, si ay u fuliyaan falal sharcidaro ah”.
Burqaha oo daboolaya dhammaan wejiga iyo jirka, guud ahaan morocco lagama xirto. Dumarka badankooda waxay jecel yihiin xijaabka caadiga ah oo aanan dabooleyn wejiga.

Dumarka salafiyiinta ah iyo gobollada muxaafidka ee Waqooyiga, ayaa laga xirtaa indhashareerka.
Go’aanka wuxuu kala qeybiyay shacabka ku nool dalka Waqooyiga Afrika ku yaalla oo uu maamulo boqor Maxamed VI, kaas oo loo arko inuu yahay Muslim qunyar socod ah.

_93350402_619daa1c-cc45-4c73-a5e9-c3bc91fa9259

Xammad Kabbaj, oo ah nin muxaadarooyiinka jeediya ayaa ka hor imaaday go’aankaasi, wuxuu sheegay in “xuquuqda aadanaha ee dalka Morocco ay arrintan ka soo horjeedo.
Xammad Kabbaj ayaa doorashadii baarlamaanka ee sanadkii tagay loo diiday ka dib markii lagu eedeeyay “xagjirnimo”.

Dadka Morocco oo loogu baaqay in ay xagjirnimada diidaan
UAE oo ku maalgalinaysa $163 bilyan tamarta nadiifka ah
Kenya: Iskuulada xijaab waa lagu xiran karaa
Nouzha Skalli, oo ah wasiirkii hore ee qoyska iyo hormarka bulshada, ayaa soo dhaweeyay mamnuucidda oo uu ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo lagula dagaallamayo Muslimka xagjirka ah”.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300