Published On: Wed, Jan 11th, 2017

Madaxweynaha Ugandha Museveni oo dallacsiiyay wiilkiisa

_93338998_gettyimages-534417268

Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, wuxuuna ka dhigay lataliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, ka dib isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare ugudhex dalacay ciidamada militariga dhexdooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in loo diyaarinaayo inuu qabto xilka madaxweynaha ee Ugandha ka dib marka aabihiisa uu ka dego.

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Ugandha
Hogaamiyiha fallaagada Ugandha oo la maxkamadeeyay
Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo dhiibay ee ah inuu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa.

Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha Afrika ee muddada dheer maamulka haya. Wuxuu awoodda la wareegay 1986-dii, ka dib markuu ku guuleystay shan sano oo dagaal sokeeye ah.

Sanadkii tagay ayuu mar shanaad ku guuleystay doorashada, wuxuuna helay boqolkiiba 60, codadkii la dhiibtay.

Taageerayaasha Trump oo Kampala lagu xiray
Ugandha iyo South Sudan oo amniga iska kaashanaya
Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, oo 42 sano jir ah, wuxuu maamulaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada aabihii tan iyo sanadkii 2008dii.

Wuxuu ka soo baxay machadka militariga ee boqortooyada UK, sanadkii 2000. ka dib, 2016-kii ayaana laga dhigay Gaashaanle Sare.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300