Published On: Wed, Jan 11th, 2017

Amaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay iyo ciidamo waddooyinka la dhigay

wadooyinka-2-200x112

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoo la filayo inay magaalada ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaad ku arkeysaa ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya, waxaana la diiday gabi ahaanba dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.

Inta magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa la sheegay in amaanka magaalada Muqdisho la adkeyn doono si looga hortago carqalado dhanka amaanka ah.

Waddooyin ay kamid yihiin Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo waddooyin kale oo muhiim ah ayaa gabi ahaanba xiran.

Dadweynaha qaar ayaa xalay kasii warqabay in waddooyinka la xirayo halka qaarkoodna saaka ay lug ku tagayeen goobahooda shaqada.

Xarunta golaha shacabka ayaa la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka oo afar musharax ay ku tartamayaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300