Published On: Tue, Jan 10th, 2017

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo dalbaday in Waqtiga loo kordhiyo Siilaanyo

somaliland-620x330

Waxaa Markii ugu horeysay Taariikhda ay Dalbadeen Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee kala ah UCID iyo Wadanin in Mudo Kordhin loo sameeyo Xukumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Qoraal ay u direen Guddiga Doorashada Somaliland Labada Xisbi ayey ku sheegeen in Bisha March ee soo socota oo lagu balansanaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweyne ee Somaliland aysan dhici karin Sababo la xariira Abaar Dadka iyo Duunyada saameysay oo ka jirta Somaliland.

Ucid iyo Wadani ayaa Codsaday in Doorashada Xilligeedii dib looga dhigo,Maadaama Somaliland ay ka jirto Abaar islamarkaana aysan Macquul aheyn in Dadka oo Abaar u dhimanaya in Codkooda lagu gorgortamo.

Xisbiyadu ma sheegin Xilli ay u Calaamadeeyeen Doorashada in la qabto,iyadoo sidoo kale Xisbiga Talada haya ee Kulmiye iyo Guddiga Doorashada Somaliland uusan midna ka hadlin Dalabka Xisbiyada Mucaaradka ka soo yeeray.

Bisha March ee soo socota ayaa loo balansanaa in ay qabsoonto Doorashada Madaxweyne ee Maamulka Somaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300